Dowladda Finland oo la wareegtay maamulka Markab looga shakiyay in uu waxyeelleeyay xariga  koronta EstLink 2 ee isku xira Finland iyo Istooniya

Maalintii Kirismaska ee ku beegnayd 25.12.2024 ayaa waxaa markab lagu magacaabo Eagle S oo ah markab shidaalka qaada lagu qabtay Gacanka Finland kagadaal markii looga shakiyay in uu waxyeello u geystay xarigga korontada ee isku xira Finland iyo Istooniya.

Laanta Dembibaarista  Dhexe ee Booliska Finland oo kaashanaysa hay’adaha kale ee hawlahan u dhuundaloola ayaa waxay gacanta ku heysaa baaritaanka ku socda markabkan.

Ka sokow waxyeeleynta xarigga koronta, waxaa markabkan looga shakisanyahay in uu u adeegayay Ruushka isagoo qaab raad-tirasho ah u daabulayay shixnadaha shidaalka Ruushka.

Waxaa kale oo hadda soo baxay warar sheegaya, in  laga yaabo in uu markabkani qaab sirdoonnimo ah uga adeegayay Ruushka, maadaama uu mushaaxi karay meel aanay maraakiibta Ruushku toos u mari karin cunaqabataynta iyo xannibaadaha saaran dagaalka Yukreyn dartood.

Shaqaalaha markabkan saaran ayaa dhalasho ahaan ka soo kala jeeda dalka Hindiya iyo Georgia waxaana dhammaantood gacanta ku haya ciidamada ammaanka ee Finland.

Markabka oo ka diiwaangashan Cook Islands oo ah jasiirado maamul ahaan madaxbanaan, balse uu difaacooda iyo guud ahaan ilaalinta amnigooda ka mas’uul ah dalka New Zealand.

Dowladda New Zealand ayaa   iska fogeysay mas’uuliyadda markabka Eagle S ee ku shiraacda calanka Jasiirada Cook (Cook Islands).

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli qabyo ah baaritaanka markabkan ku socda waxaana hadda baroosinka loo dhigay duleedka magaalo-xeebeedka Porvoo, halkaas oo ay dembibaarayaashu geysteen.

Isha warka: Warbaahinta Finland/BBC/RNZ