Wakaaladda adeegyada deegaanka soonaha Helsinki ayaa waxay dadka deggan soonaha caasimaadda ku boorinaysaa in ay biyaha la cabo ee tuubada iska karkariyaan kahor inta aanay cabin.
Madaxa Waaxda soosaarista biyaha ee HSL Heli Härkkä ayaa Telefishinka MTV u sheegtay in digniinta iyo talada ku saabsan in biyaha la cabo la karkariyo la siiyay dadka deggan Vantaa gaar ahaan soonaha Korso,Vierumäki, soonaha Vallinoja iyo soonaha warshadaha ee Tuusula Kela.
Sababta digniintan loo bixiyay ayaa ah, in biyaha soo baxaya laga helay noolayaasha aan isha qaawan lagu arkin (microbiology) oo ka badan inta loo baahanyahay, si tayada biyuhu u noqdaan kuwa caafimaad ahaan wanaagsan.
Wararka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli uu socdo baaritaan la xiriira arrinkan wixii soo baxana lala wadaagi doono dadweynaha deggan deegaannada digniinta laga soo saaray.
Isha warka: MTV