Booliska oo kumanaan Finnish ah u diray farriimo qoraal ah oo looga digayo tuugta dadka dhacda

Sawirku dhacdadan lama xiriiro

Booliska oo ku gudajiray baaritaan la xiriira dembiilayaal ku hawlanaa dhaca casriga ah ee dadka lagu dhaco internetka ama shabakadda ayaa helay liis ay ku qoran yihiin dad aad u fara badan.

Dadka liiskan ku qoran ayeey boolisku sheegeen in ay halis ugu jiraan in dembiilayaashu ay dhacaan.  Sababtaas darteed ayeey boolisku ugu direen kumanaan dad ah farriimo qoraal ah oo ay uga digayaan in ay ku dhacaan janabta dembiilayaasha caadaysatay dhaca dadka aan ku baraarugsanayn halista dhextaal isgaarsiinta casriga ah.

Dembiilayaasha ayaa dadka waca iyagoo isaga dhigaya in ay ka socdaan bangiga ama booliska waxayna sidaas ku weydiistaan qofka dhibanaha ah macluumaadkiisa shakhsiga ah iyo erey-raqam sireedyada uu adeegyada shabakadda ee internetka ku isticmaalo.

Si kastaba ha ahaatee, booliska iyo bangiyada ayaa marar badan ku celceliyay in aanay marnaba dadka ku weydiin khadka telefoon wax erey ama raqam sireed ah, sidaas darteedna aanu qofku u baahnayn in qof telefoon ka soo wacay uu siiyo macluumaadkiisa shakhsiga ah.

Ma ahan markii u horreeysay ee uu boolisku ka digo kooxahan qalin-shubatada casriga ah, ee marar badan ayeey booliska dadka kula taliyeen in ay ka feejignaadaan telefoonada aanay aqoonin ee laga soo wacayo iyo xogta ay la wadaagayaan dadka soo waca.

Kooxahan oo lagu magcaabo qalin-shubada casriga ah ayaa horay lacago Malaayiin yuuro gaaraysa uga dhacay dadka u dagma hagardaamadooda.

Ugu dambeyn boolisku wuxuu kula talinayaa cid kasta oo habka kor ku xusan lagu dhacay in ay wargelin dembi ka samayso kiiska, xataa haddii ay yartahay rajada laga qabo in uu qofku dib u helo hantidii laga dhaca.

Isha warka: Booliska iyo STT