Madaxweynaha Finland Alexander Stubb oo Amiirka dalka Qatar Amiir Tamim bin Hamad Al Thani Helsinki ku soo dhoweeyay iyo labada dal oo heshiisyo kala duwan kala saxiixday

Ergeyga Gaarka ah ee Finland u qaabishan arrimaha nabadeynta Geeska Africa iyo Amiirka dalka Qadar. Xuquuqda Sawirka: Matti Porre/Tasavallan presidentin kanslia

 

Alexander Stubb, madaxweynaha Jamhuuriyadda Finland iyo dhiggiisa dalka Qatar ayaa Helsinki si wadajir ah ugu dabbaaldegay xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dowladood u dhexeeya oo 50 sano jirsaday.

Finland iyo Qatar oo marka dalalka kale ee dunida loo eego ku jira qaanadda dalalka yaryar, ayaa haddana safka hore uga jira siyaasadda caalamka lagu kala hago.

Finland oo juquraafi ahaan dhacda Woqooyiga Yurub iyo Qatar oo Bariga Dhexe ku taal ayaa la rumaysan yahay in marka ay awooddooda diblumaasiyadeed meel isugu geeyaan, ay wax badan ka beddeli karaan colaadaha meelo kala duwan oo caalamka ah ka aloosan.

Waxaa xusid mudan in labadan dal, Finland iyo Qatar, ay ku caan yihiin siyaasad dhexdhexaadnimo iyo dhabar-adayg lagu laray, taas oo gaarsiisay heer ay u kala dab-qaadaan dalalka ay colaaduhu ka dhex-aloosan yihiin iyo dalalka kale ee la daalaa-dhacaya dagaalo sokeeye.

Labada dal, ayaa dhanka kale, kala saxiixday is-af-garadyo badan oo uu kamid yahay iskaashi ay labada dal rugahooda ganacsigu kala saxiixdeen, kaas oo dhabbaha u xaaraya abuuranka baayac-mushtar iyo maalgashi labo geesood ah.

Madaxda Finland iyo Qatar ayaa sidoo kale qalinka ku duugay is-af-garad la xiriira wadajir uga shaqaynta arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta caalamka.

Amiirka Qatar ayaa inta uu safarka Finland ku joogay wuxuu sidoo kale la kulmay Guddoomiyaha baarlamaanka Jussi Halla-aho iyo Ra’iisal wasaaraha Finland Petteri Orpo.

Booqashada rasmiga ah ee Amiirka Qatar ayaa lagu soo gunaanaday Casho Sharaf uu madaxweynaha Finland ugu sameeyay qasriga madaxtooyada Finland. Waxaana cashar sharafta lagu casuumay oo goobjoog ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan arimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika, mudane Suldaan Said Ahmed.

Ka qaybgalka uu Ergayga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan arimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika, mudane Suldaan Said Ahmed, ka qaybgalay kulanka madaxweynaha Finland iyo Amiirka Qatar ayaa muujinaysa sida ay dowladda Finland uga go’antahay xal u helidda xiisadaha kacsan, siyaasadaha isdiiddan iyo colaadaha kalageeyay inta badan dalalka Geeska Afrika.