Dib u milicsiga wixii la soo maray: Muuqaalka dal ahaan Soomaaliya laga qabi jiray marka lagu eego indhaha dalalka isku tilmaana dunida horumartay waa mid runtii aad uga fog xaaladda dhabta ah ee SOOMAALIYA ka jirta, marka aad il hoose oo xog-ogaalnimo ku hubeysan ku eegto.
Marxakaladihii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay horraantii sagaashamaadkii waxay abuureen xaalado xilliyo kala duwan jiray iyo aragtiyo isdiiddan oo Geeska Afrika laga qabay.
Waxaa Soomaaliya mar lagu sifeyn jiray dalkii dhimashada, baahida iyo colaadaha. Waxaa taas xigtay, in kolkii maamullo la yabyabay, Soomaaliya loogu yeeri jiray dal fashilmay oo ay dalalka qaar tusaale baqdin-gelin iyo hoga-tusaalayn ah u soo qaadan jireen, marka ay dadkooda kala hadlayaan xaaladaha cakiran ama ay doonayaan, in ay qunsadaan dan aanu dadkoodu rabin.
Si kastoo ay ahaataba, waxaa intaas oo dhan isku-fuuqsatay oo xaaladda ka dhigay lama-arag-maqal, markii ay kooxo diinta ku gambanya ukumaha dhigteen Soomaaliya, kaddibna xoog iyo xeelad ku fuliyeen aragti ay meelo kale ka soo waarideen oo aan marnaba ku habboonayn Soomaaliya iyo Soomaalida.
Waxay dadkii raacay ka dhigteen kuwa ay xaabada ku shitaan oo qaraxyada qarxiso uga dhigtaan, kuwa ay dhaqaale ka dhigtaan (maal iyo mood ka gurtaan), kuwa ay afka iyo sanka isaga xiraan oo u diidaan, in ay neecowda xorriyadda ku neefsadaan.
Hadda xaalku sidaas iyo si u dhow toona ma ahan: Dowladda iyo shacabku waxay meel uga soo wada-jeesteen khawaarijta. Waxaa kale oo kordhay ogaalka iyo fahamka ay shacabku u leeyihiin khawaarijta aan diin, dad iyo dal midna dan ka lahayn una diir-naxayn.
Culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhiiratay in ay qudbooyinka Salaadda Jimcada ku soo qaataan, calaamadaha khawaarijta lagu bar-sooco, sida ay u dhaqmaan iyo weliba waajibka dadka Muslimiinta ah ka saaran ciribtirka xummaanta kooxda khawaarijta ah.
Hadda iyo ujeedka qormadan oo daallacan:
Marka hore aan furfuro macnaha laga yaabo, in uu dadka qaar ka dahsoon yahay iyo cinwaanka u ah qormadaydan aan ku cabbirayno xaaladda ay haatan Khawaarijtu ku jirto iyo falkii ay ka geysteen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho: Haraati-biqluhu waa dabbaabirada ama haraati-dambeedka ay dameeruhu ku baqa-diriraan iyagoo adeegsanaya labada addin ee dambe.
Dameeraha ayaa dagaalka haraati-biqlaha adeegsada marka ay cararayaan oo ay quus taagan yihiin. Haraati-biqlada dameeruhu waxay sidoo kale calaamad u tahay, in dameerka haraati-biqlaynaya uu baqo-dirir ku jiro oo aanu dagaal dambe oo fool-ka-fool ah itaal u hayn.
Xaaladda hadda jirta:
Kaddib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah Khawaarijta ayeey khawaarijtu billaabeen in ay caynka ku giijiyaan shacabkii ay markii hore dhiiga iyo dheecaanka ka dhuuqeen.
Ujeedkoodu wuxuu ahaa, in aanu shacabku kicin una dheg-raaricin baaqa madaxweynaha. Waxaa mar qura kelyaha ka qarxay oo xarga-.goostay xaqii ay argagixsadu afka iyo sanka ka qabatay.
Waxaa dagaal af iyo addin ah billaabay shacabkii iska-daa dadkoodee; ay ceel biyoodyadooda iyo xoolahooda murtidiin ku tilmaameen. Waxaa dhacay ceyn-wareeg, waxaana marqura abuurmay dareen saameeyay qof kasta oo Soomaali ah oo damiir dadnimo iyo damqasho bani’aadmi leh.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaannada oo ul-iyo-diirkeed ah ayaa dagaal u dhaqaaqay. Dagaal saf-ballaaran ah ayaa Khawaarijta lagu ekeeyay, waxaa laga weeraray cirka iyo dhulka waxayna gaareen heer ay dadka iyo duunyadu la collowdo oo ay waayaan meel ay ciirsadaan.
Sida caadada u ah, waxay maleegeen weeraro naf-la-caari ah oo ku doonayaan, in ay ku cabsi-geliyaan shacabka Soomaaliyeed, islamarkaasna ku kala dhantaalaan weerarada dalka oo dhan uga socda ee lagu baacsanayo. Kii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. (Inta ku dhimatay Allaha u raxmadu, inta ku dhaawacantay Allaha u booga-dhayo inta ku dhaqaale beeshaynna beddel khayr ah Allaha siiyo).
Shacab iyo dowlad, Askar iyo burgeesi oo aan u kala harin ayaa gurmad u fidiyay dadkii ku waxyeelloobay weerarkii khawaarijtu ku qaadday shacabka siyaabo kala duwan ugu sugnaa isgoyska Soobe.
Tani waxay ka dhigantahay, in Khawaarjitu dagaalka ku jabtay, sidaas darteedna ay weerada caal-waayga ah ee kan Soobe oo kale ah uu yahay mid lamid ah haraati-biqlaha dameerku rido, marka uu sii cararayo.
Shabakadda warbaahinta Soomaalida Finland (SSMV)