Isniin 31.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 56 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 92 488 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 239 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 18 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 44 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 6 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 2qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 25 |
Vantaa | 11 |
Espoo | 6 |
Turku | 4 |
Järvenpää | 3 |
Raisio | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 107 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 20 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 956 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shegtay dhimashada 8 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 27 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 624 oo qof, kuwaasoo 6 259 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 296 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 67, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 31.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 456 153 oo qof (31.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 171 233 889 | 52,7 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 560 984 | 1,1 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 875 941 | 51 073 488 |
Tirada u dhimatay feyruska | 130 741 | 682 369 |
Qaaradda W/Amerika | Qaaradda K/Amerika | |
Tirada feyruska laga helay | 39 718 530 | 28 710 120 |
Tirada u dhimatay feyruska | 893 404 | 778 038 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
|
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS