Sabti 22.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 248 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 91 405 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 825 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay117 qof, gobolka Kanta-Häme oo laga helay 35 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 28qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 65 |
Espoo | 17 |
Lahti | 15 |
Hämeenlinna | 14 |
Turku | 14 |
Riihimäki | 13 |
Järvenpää | 9 |
Uusikaupunki | 7 |
Porvoo | 6 |
Vihti | 5 |
Kokkola | 5 |
Tampere | 5 |
Janakkala | 4 |
Janakkala | 4 |
Orimattila | 4 |
Lappeenranta | 3 |
Maarianhamina | 3 |
Pornainen | 3 |
Jyväskylä | 3 |
Kannus | 3 |
Kotka | 3 |
Loppi | 2 |
Taivassalo | 2 |
Akaa | 2 |
Siuntio | 2 |
Kitee | 2 |
Rauma | 2 |
Pori | 2 |
Tuusula | 2 |
Kuusamo | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 932 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 14 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40, iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 267 023 oo qof (22.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 166 854 295 | 52 489 753 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 464 416 | 1 118 804 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 781 892 | 48 591 290 |
Tirada u dhimatay feyruska | 128 331 | 637 207 |
Qaaradda W/Amerika | Qaaradda K/Amerika | |
Tirada feyruska laga helay | 39 426 617 | 27 500 002 |
Tirada u dhimatay feyruska | 883 553 | 748 445 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |