Arbaco 12.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 280 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 89 270 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 865 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 52 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay173 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 21 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 18 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 81 |
Espoo | 37 |
Vantaa | 25 |
Kokkola | 14 |
Lahti | 13 |
Turku | 12 |
Tampere | 8 |
Kotka | 7 |
Janakkala | 7 |
Salo | 6 |
Tuusula | 6 |
Kirkkonummi | 5 |
Orimattila | 5 |
Oulu | 4 |
Järvenpää | 3 |
Kerava | 3 |
Kuopio | 3 |
Nurmijärvi | 3 |
Lempäälä | 3 |
Porvoo | 3 |
Haapajärvi | 2 |
Veteli | 2 |
Kouvola | 2 |
Seinäjoki | 2 |
Jyväskylä | 2 |
Lohja | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 114 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 24 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 930 qof, kaddib markii ay hay’adda THL maanta sheegtay dhimashada 3 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 424 oo qof, kuwaasoo 5 265 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 132 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 007 523 oo qof (12.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 160 505 013 | 51 611 096 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 334 420 | 1 097 243 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 690 288 | 44 815 512 |
Tirada u dhimatay feyruska | 125 399 | 580 738 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |