Isniin 10.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 143 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 88 866 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 929 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 38 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 23 |
Espoo | 14 |
Salo | 13 |
Lahti | 13 |
Vantaa | 12 |
Turku | 11 |
Nurmijärvi | 6 |
Kokkola | 5 |
Oulu | 4 |
Raisio | 3 |
Kaarina | 3 |
Porvoo | 3 |
Tampere | 3 |
Mäntsälä | 2 |
Orimattila | 2 |
Tuusula | 2 |
Rauma | 2 |
Hyvinkää | 2 |
Hämeenlinna | 2 |
Järvenpää | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 121 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 26 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 924 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta dhimashada 2 qof oo hor leh . Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 946 oo qof, kuwaasoo 4 924 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 020 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.05).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 944 725 oo qof (10.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 159 032 796 | 51 402 809 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 308 358 | 1 092 098 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 673 466 | 43 951 311 |
Tirada u dhimatay feyruska | 124 715 | 569 432 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
|