Finland waxaa laga helay maanta 117 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo Hal xaalad oo dhimasho ah
Isniin 03.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 117 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 87 345 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 058 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 39 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 59 qof, gobolka Päijät-Häme oo laga helay 25 qof , iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 11 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 26 |
Lahti | 23 |
Espoo | 12 |
Vantaa | 10 |
Tampere | 5 |
Oulu | 3 |
Jämsä | 3 |
Pornainen | 2 |
Eurajoki | 2 |
Porvoo | 2 |
Orimattila | 2 |
Hämeenlinna | 2 |
Janakkala | 2 |
Sipoo | 2 |
Ylöjärvi | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 120 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 915 qof, kaddib markii hay’adda THl ay maanta shegtay dhimashada hal qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 24 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 30.04).
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 698 107 oo qof (03.05).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 153 577 439 | 50 512 015 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 218 196 | 1 072 702 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 611 258 | 40 492 586 |
Tirada u dhimatay feyruska | 122 616 | 530 943 |
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |