Isniin 26.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 133 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 85 937 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 659 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa iyo 33 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 81 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 15 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 12 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 34 |
Espoo | 16 |
Vantaa | 13 |
Tampere | 12 |
Lahti | 9 |
Turku | 7 |
Porvoo | 4 |
Mäntsälä | 3 |
Tuusula | 3 |
Tornio | 3 |
Kouvola | 3 |
Riihimäki | 2 |
Oulu | 2 |
Hyvinkää | 2 |
Orimattila | 2 |
Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay. In hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 33 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 906 qof. Kaddib markii ay THL shaaca ka qaaday maanta geerida 3 qof oo hor leh oo u dhintay feyruska awgiis. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 32 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 4 716 oo qof, kuwaasoo 4 022 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 693-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 529 600 oo qof (26.04).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Adduunkoo dhan | Qaaradda Yurub | |
Tirada feyruska laga helay | 147 904 185 | 49 379 706 |
Tirada u dhimatay feyruska | 3 124 977 | 1 049 850 |
Qaaradda Afrika | Qaaradda Aasiya | |
Tirada feyruska laga helay | 4 544 971 | 37 042 829 |
Tirada u dhimatay feyruska | 120 443 | 495 503 |
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS