Arbaco 14.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 400 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 82 964 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 5 512 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa 68 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 231 qof, gobolka Vaisianis-Suomi oo laga helay 49 qof. Sidoo kale gobolka Pirkanmaa waxaa laga helay 42 qof iyo Päijät-Häme oo laga helay 20 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 98 | Ilmajoki | 2 |
Espoo | 38 | Pirkkala | 2 |
Vantaa | 37 | Vesilahti | 2 |
Tampere | 30 | Askola | 2 |
Turku | 21 | Ylöjärvi | 2 |
Lahti | 17 | Lohja | 2 |
Kerava | 15 | Raisio | 2 |
Tuusula | 8 | Siuntio | 2 |
Nurmijärvi | 8 | Eura | 2 |
Porvoo | 8 | Petäjävesi | 2 |
Seinäjoki | 7 | Kangasala | 2 |
Lappeenranta | 6 | Aura | 2 |
Jyväskylä | 6 | Hankasalmi | 1 |
Vihti | 5 | Kurikka | 1 |
Oulu | 5 | Mikkeli | 1 |
Raahe | 4 | Kirkonnummi | 1 |
Kotka | 4 | Laihia | 1 |
Kouvola | 4 | Kemiönsaari | 1 |
Hollola | 3 | Sodankylä | 1 |
Hyvinkää | 3 | Laitila | 1 |
Masku | 3 | Joensuu | 1 |
Naantali | 3 | Kaarina | 1 |
Lempäälä | 3 | Järvenpää | 1 |
Loimaa | 3 | Kauniainen | 1 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 182 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 38 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 877 qof, kaddib markii ay THl sheegtay dhimashada 3qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 52qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 3 621 oo qof, kuwaasoo 3 261 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 359-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 190 340 oo qof (14.04).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
46 717 957 |
138 125 635 |
Tirada u dhimatay feyruska |
1 005 227 |
2 974 950 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |