Arbaco 07.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 348 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 80 416 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 6 900 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa 55 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 216 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 39 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 22 qof. Sidoo kale gobolka Kymenlaakso waxaa laga helay 17 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 105 | Tornio | 3 |
Espoo | 38 | Oulu | 3 |
Vantaa | 31 | Kuopio | 2 |
Turku | 17 | Järvenpää | 2 |
Kotka | 11 | Kouvola | 2 |
Tampere | 9 | Paimio | 2 |
Nokia | 9 | Lemi | 2 |
Tuusula | 7 | Kauniainen | 2 |
Salo | 7 | Karkkila | 2 |
Lahti | 6 | Pöytyä | 2 |
Seinäjöki | 6 | Simo | 1 |
Lappeenranta | 6 | Alajärvi | 1 |
Jyväskylä | 6 | Haapavesi | 1 |
Kerava | 6 | Askola | 1 |
Raiso | 5 | Raahe | 1 |
Hamina | 4 | Sastamala | 1 |
Mikkeli | 4 | Alavus | 1 |
Nurmijärvi | 4 | Lohja | 1 |
Porvoo | 4 | Pornainen | 1 |
Vihti | 4 | Somero | 1 |
Kirkkonummi | 3 | Rovaniemi | 1 |
Raasepori | 3 | Lapua | 1 |
Pirkkala | 3 | Siikajoki | 1 |
Savonlinna | 3 | Uusikaupunki | 1 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 250 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 45 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 862 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 51 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 933 227 oo qof (07.04)
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan | |
Tirada feyruska laga helay | 45 008 375 | 133 197 043 |
Tirada u dhimatay feyruska | 976 380 | 2 889 730 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |