Jimco 02.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 566 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 78 672 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 405 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud illaa 89 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 307 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 78 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 40 qof iyo gobolka Kymenlaakso oo laga helay 28 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 136 | Pieksämäki | 5 |
Espoo | 57 | Virolahti | 4 |
Vantaa | 50 | Oulu | 4 |
Turku | 48 | Joensuu | 3 |
Lahti | 22 | Muurame | 3 |
Tampere | 17 | Laukaa | 3 |
Tuusula | 15 | Mäntsälä | 3 |
Kerava | 14 | Kuopio | 3 |
Salo | 12 | Mikkeli | 2 |
Savonlinna | 11 | Rauma | 2 |
Lappeenranta | 8 | Hämeenlinna | 2 |
Kouvola | 8 | Nurmijärvi | 2 |
Hamina | 8 | Tammela | 2 |
Vihti | 8 | Pudasjärvi | 2 |
Järvenpää | 8 | Vaasa | 2 |
Jyväskylä | 8 | Forssa | 2 |
Kotka | 7 | Hollola | 2 |
Porvoo | 6 | Kauhajoki | 2 |
Raisio | 6 | Siilinjärvi | 2 |
Seinäjoki | 6 | Säkylä | 2 |
Kokkola | 5 | Karkkila | 2 |
Kaarina | 5 | Vyöri | 2 |
Eura | 5 | Inkoo | 1 |
Pori | 5 | Rovaniemi | 1 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 52 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 846 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 40 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 965 298 oo qof (02.04)
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
43 967 961 |
130 313 443 |
Tirada u dhimatay feyruska |
960 309 |
2 842 621 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |