Arbaco 31.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 607 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 77 452 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 9759 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 69 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka feyruska korona.Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 362 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 76 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 60 qof .
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 161 | Mikkeli | 4 |
Vantaa | 86 | Seinäjoki | 4 |
Espoo | 58 | Savonlinna | 4 |
Tampere | 43 | Kokkola | 2 |
Turku | 48 | Joensuu | 2 |
Lahti | 27 | Pielavesi | 2 |
Kerava | 13 | Eura | 2 |
Järvenpää | 7 | Eurajoki | 2 |
Nurmijärvi | 9 | Rauma | 2 |
Sipoo | 5 | Heinola | 2 |
Salo | 15 | Pirkkala | 2 |
Raiso | 4 | Kangasala | 2 |
Naantali | 3 | Hyvinkää | 2 |
Ylöjärvi | 6 | Kirkkonummi | 1 |
Lempäälä | 3 | Vihti | 1 |
Valkeakoski | 3 | Mäntsälä | 1 |
Oulu | 4 | Kauniainen | 1 |
Raahe | 4 | Kaarina | 1 |
Jyväskylä | 3 | Uusikaupunki | 1 |
Hollola | 3 | Sauvo | 1 |
Kouvola | 4 | Nokia | 1 |
Hamina | 7 | Iitti | 1 |
Kuopio | 3 | Orimattila | 1 |
Lappeenranta | 12 | Pori | 1 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 295 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 50 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 844 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in 18 qof oo hor leh ay maanta u dhinteen feyruska korona. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 25 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 584 qof, kuwaasoo 2 403 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 180-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 892 580 oo qof (31.03)
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
43 376 967 |
128 958 594 |
Tirada u dhimatay feyruska |
952 005 |
2 818 975 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS |