Jimce 26.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 512 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 74 754 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 439 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.
Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 65 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 327 qof, gobolkaVarsinais-Suomi oo laga helay 84 qof, gobolka Etelä-Karjala oo laga helay 20 qof iyo Pirkanmaaoo laga helay 15 qof.
Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:
Helsinki | 162 | Lieto | 3 |
Espoo | 58 | Kaarina | 3 |
Turku | 50 | Hyvinkää | 3 |
Vantaa | 50 | Alavus | 2 |
Lappeenranta | 18 | Järvenpää | 2 |
Kerava | 14 | Siuntio | 2 |
Tampere | 13 | Parainen | 2 |
Kuopio | 10 | Masku | 2 |
Uusikaupunki | 9 | Naantali | 2 |
Tuusula | 9 | Paimio | 2 |
Kouvola | 7 | Vaasa | 2 |
Vihti | 6 | Lahti | 2 |
Nurmijärvi | 5 | Imatra | 2 |
Kirkkonummi | 4 | Hämeenlinna | 2 |
Pielavesi | 4 | Hamina | 2 |
Karkkila | 4 | Oulu | 2 |
Salo | 4 | Lohja | 1 |
Laitila | 4 | Hammarland | 1 |
Joensuu | 4 | Hankasalmi | 1 |
Kotka | 4 | Laukaa | 1 |
Mikkeli | 4 | Rovaniemi | 1 |
Sipoo | 3 | Kustavi | 1 |
Savonlinna | 3 | Juva | 1 |
Porvoo | 3 | Rauma | 1 |
Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 313 qof. Waxaana tiradii shalay ku soo korotay 26 qof oo hor leh. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 59 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 817 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay in maanta 2 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona. Waxaan toddobadii maalmood ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 12 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 584 qof, kuwaasoo 2 403 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 180-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 809 974 oo qof (26.03)
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
42 247 797 |
126 205 938 |
Tirada u dhimatay feyruska |
934 598 |
2 769 615 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho: YLE, HS,WORLDOMETERS |