Isniin 22.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 390 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 54 132 qof. Tddobadii maalmood ee ugu dambaysay waxaa tirada faafista cudurka ay noqotay 3 470 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 234 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 29 qof, gobolka Satakunta oo 21 qof laga helay iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 17 qof.
Magaalada | Tirada faafista cudurka | Magaalada | Tirada faafista cudurka |
Helsinki | 120 | Pedersörnen K | 2 |
Vantaa | 46 | Pornainen | 2 |
Espoo | 31 | Rovaniemi | 2 |
Turku | 15 | Laihia | 2 |
Mikkeli | 13 | Maalahti | 2 |
Lappeenranta | 9 | Kangasala | 2 |
Oulu | 8 | Nokia | 2 |
Pori | 8 | Riihimäki | 2 |
Jyväskylä | 8 | Sipoo | 2 |
Tampere | 7 | Raisio | 2 |
Vaasa | 7 | Hyvinkää | 1 |
Rauma | 6 | Liminka | 1 |
Huittinen | 6 | Lieto | 1 |
Kerava | 6 | Nakkila | 1 |
Tuusula | 6 | Punkalaidun | 1 |
Jomala | 5 | Kouvola | 1 |
Lahti | 5 | Lohja | 1 |
Porvoo | 5 | Ruokolahti | 1 |
Paimio | 4 | Ikaalinen | 1 |
Järvenpää | 4 | Kangasniemi | 1 |
Nurmijärvi | 4 | Körsnäs | 1 |
Sastamala | 4 | Nurmes | 1 |
Närpiö | 3 | Mäntyharju | 1 |
Kaarina | 3 | Pukkila | 1 |
Kirkkonummi | 3 | Inkoo | 1 |
Uusikaupunki | 3 | Orimattila | 1 |
Hämeenlinna | 3 | Valkeakoski | 1 |
Maarianhamina | 2 | Kuopio | 1 |
Mäntsälä | 2 | Kurikka | 1 |
Kotka | 1 | ||
Vieremä | 1 | ||
Pietarsaari | 1 | ||
Äänekoski | 1 | ||
Jokioinen | 1 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 170 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 29 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 733 qof, kaddib dhimashada 7 qof oo cusub oo ay sheegtay maanta hay’adda THL, waxaana toddobo maalmood gudahood ku darsantay tirada dhimashada 17 qof.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 556 qof, kuwaasoo 530 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 25-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 ah nooca cusub ee Baraaziil.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 282 730 qof (22.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
36 477 108 | 112,031,277 |
829 083 | 2 479 364 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho: YLE, HS, WORLDOMETERS |