Talaada 16.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 385 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 51 047 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 62 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 212 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 50 qof, gobolka Satakunta oo 24 qof laga helay iyo gobolka Vaasa oo laga helay 22 qof.
Magaalada | Tirada faafista cudurka | Magaalada | Tirada faafista cudurka |
Helsinki | 127 | Korsnäs | 2 |
Vantaa | 46 | Kempele | 2 |
Espoo | 20 | Mikkeli | 2 |
Pori | 16 | Pello | 2 |
Paimio | 15 | Pirkkala | 2 |
Turku | 11 | Uusikaupunki | 1 |
Närpiö | 9 | Naantali | 1 |
Raiso | 9 | Hausjärvi | 1 |
Vaasa | 8 | Kuopio | 1 |
Jyväskylä | 8 | Myrskylä | 1 |
Rauma | 8 | Somero | 1 |
Ilmajoki | 6 | Laitila | 1 |
Kaarina | 5 | Nurmijärvi | 1 |
Tampere | 5 | Lieto | 1 |
Oulu | 5 | Pietarsaari | 1 |
Kurikka | 5 | Pöytyä | 1 |
Järvenpää | 4 | Orimattila | 1 |
Alavus | 4 | Kittilä | 1 |
Kerava | 4 | Laukaa | 1 |
Lahti | 4 | Seinäjöki | 1 |
Hämeenlinnä | 3 | Lempäälä | 1 |
Riihimäki | 3 | Savonlinna | 1 |
Joensuu | 3 | Mäntyharju | 1 |
Vihti | 3 | Iisalmi | 1 |
Lappeenranta | 3 | Inari | 1 |
Kirkkonummi | 3 | Sipoo | 1 |
Salo | 2 | Tornio | 1 |
Sauvo | 2 | Rovaniemi | 1 |
Tuusula | 2 | Kouvola | 1 |
Laihia | 2 | Loviisa | 1 |
Kolari | 2 | ||
Kangasala | 2 |
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 122 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 720 qof, kadib markii ay maanta hay’ada THl sheegtay dhimashada 4 qof oo cusub.
Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 422 qof, kuwaasoo 402 ka id ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 20-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 216 463 qof (16.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunka oo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
35 677 490 | 109 747 639 |
784 040 | 2 420 606 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |