Khamiis 11.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 358 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 49 165 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 62 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 219 qof, gobolkaVarsinais-Suomi oo laga helay 51 qof, iyo gobolka Satakunta oo 12 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 108 qof, Vantaa: 38 qof , Espoo: 26 qof, Turku: 22 qof, Järvenpää: 14 qof, Paimio: 10 qof, Kerava: 10 qof, Jyväskylä: 9 qof, Savonlinna: 8 qof, Tuusula: 8 qof, Parainen: 7 qof, Pori: 7 qof, Oulu: 5 qof, Tampere: 5 qof, Waxaa min 4 qof laga helay magaalooyinka kala ah: Salo, Lappeenranta, Kalajoki, Kirkkonummi, Kouvola, iyo Rauma, sidoo kale magaalooyinka kala ah: Nurmijärvi iyo Seinäjoki waxaa laga helay min 3 qof. Magaalooyinka kala ah: Uusikaupunki, Tornio, Kaarina, Lahti, Kontiolahti, Inkoo, Alajärvi, Riihimäki, iyo Vaasa: waxaa laga helay min 2 qof. Inta soo hartay ee magaalooyinka kale ahna waxaa laga helay min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 112 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 16 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 708 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta in ay laba qof oo hor leh u dhinteen feyruska korona.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 187 384 qof (11.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
35 067 798 | 107 915 640 |
784 040 | 2 366 880 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |