Talaada 09.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 438 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 48 407 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 71 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 258 qof, gobolka Vaasa oo laga helay 47 qof, iyo gobolka Keski-Suomi oo laga helay 32 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 128 qof, Vantaa: 67 qof , Jyväskylä: 30 qof, Vaasa: 28 qof, Espoo: 18 qof, Vaasa: 28 qof, Tampere: 15 qof, Turku: 11 qof, Tuusula: 7 qof, Riihimäki iyo Savonlinna: min 6 qof, Kirkkonummi, Porvoo, Lohja, Mustasaari: 5 qof, Järvrnpää iyo Kalajoki, Närpiö,Kerava, Lahti, Kouvola, Karvia:min 4 qof, Magaalooyinka kala ah Nurmijärvi, Siuntio, Raisio, Masku, Oulu, Kristiinakaupunki, Lappeenranta : min 3 qof, magaalooyinka Hyvinkää, Kauniainen, Karkkila, Kaarina, Uusikaupunki, Paimio, Pälkäne, Rauma, Ikaalinen: Ylivieska, Vöyri, Uusikaarlepyy, Orimattila, Hämeenlinna, iyo Maarianhamina: min 2 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 129 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 703 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shaaca ka qaadday maanta dhimashada 2 qof oo hor leh.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 173 558 qof (9.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
34 715 999 | 107 092 258 |
777 954 | 2 338 469 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |