Sabti 06.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 368 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 47 262 qof. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada guud ee laga helay feyruska korona ayaa ahayd 4 928, taasoo tiro gaaraysa 986 qof ka badan tii labadii toddobaad ee ka sii horraysay.
Iskudarka guud illaa iyo 74 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 228 qof, gobolka Vaasa oo laga helay 20 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 18 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 133 qof, Vantaa: 34 qof , Espoo: 20 qof, Turku: 13 qof, Jyväskylä: 13 qof, Vaasa: 9 qof, Järvenpää: 8 qof, Tampere,Karkkila iyo Lahti: oo min 6 qof ah, Tornio iyo Tuusula: o min 5 qof ah,Ylivieskä, Nurmijärvi iyo Joensuu: oo min 4 qof ah, magaalooyinka kala ah: Rauma, Porvoo, Savonlinna, Hämeenlinna, Siikalatva, Kuopio, Kristiinakaupinki, Vihti iyo Hämeenkyrö oo min 3 qof laga helay, iyo magaalooyinka kala ahKotka, Forssa, Kaarina, Ylöjärvi, Orimattila, Äänekoski, Närpiö, Janakkala, Sipoo, Lohja, Mäntsälä, Vieremä, Lappeenranta, Kerava iyo Uusikaarlepyy oo min 2 qof ah.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 124 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 692 qof.
Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.
Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 164 501 qof (5.2).
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan | |
Tirada feyruska laga helay |
34 373 745 | 105 983 830 |
767 677 | 2 310 784 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |