Arbaca 27.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 496 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 43 616 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 74 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 268 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 93 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 22 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 115 qof, Vantaa: 69 qof, Turku: 37 qof, Espoo: 33 qof, Pori: 16 qof, Oulu: 15 qof , Jyväskylä: 11 qof, Kuopio: 9 qof, Tampere: 8 qof, Kouvola: 8 qof, Laitila: 8 qof, Raiso: 7 qof, Kaarina: 7 qof, Naantali: 7 qof, Uusikaupunki: 7 qof. Magaalooyinka Karkkila, Tuusula, Parainen iyo Vihti: waxaa laga helay min 6 qof. Magaalooyinka Tornio, Kotka, Kerava: min 5 qof. Magaalooyinka kala ah: Porvoo, Mäntsälä, Loimaa min 4 qof. Sidoo kale magaalooyinka kala ah Rauma, Lahti, Siilinjärvi, Uusikaarlepyy, Orimattila, Vaasa, Kuusamo: min 3 qof. Magaalooyinka Hamina, Iisalmi, Pyhtää, Sipoo, Joensuu, Kirkkonummi, Kannus, Pöytyä iyo Laukaa: waxaa laga helay min 2 qof, inta kale ee magaalooyinka soo harayna waa min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 148 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 20 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 660 qof, kaddib markii hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ee Finland ay sheegtay maanta dhimashada 5 qof oo hor leh.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
32 472 771 | 100 922 270 |
711 951 | 2 169 466 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|