Khamiis 21.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 399 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 41 565 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 64 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 237 qof, gobolka Varsinais-suomi oo laga helay 53 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Vantaa: 83 qof, Helsinki: 78 qof, Espoo: 48 qof, Turku: 29 qof, Oulu: 18 qof, Kuopio: 15 qof, Tampere: 7 qof, Lahti: 7 qof, Joensuu: 7 qof, Raiso: 6 qof, Kaarina: 5 qof, Salo: 5 qof, Kouvola: 5 qof, laitila: 5 qof, Magaalooyinka kala ah: Kempele, Hämeenlinna, Porvoo iyo Kerava oo min 4 qof laga helay, sidoo kale magaalooyinka kala ah: Kirkkonummi, Vihti, Mäntsälä iyo Nurmijärvi oo min 3 qof laga helay.Waxaa iyana min 2 qof laga helay magaalooyinka kala ah: Loppi, Ylöjärvi, Kolari, Riihimäki, Jyväskylä, Lohja, Järvrnpää, Tornio, Rauma iyo Sipoo. Inta soo hartayna waa min hal qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 148 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 638 qof, kaddib 6 xaaladood oo dhimasho cusub ah oo ay maanta dhacday, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga dalkaan Finland.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
31 293 364 | 97 377 997 |
679 807 | 2 085 438 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |