Axad 10.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 198 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 38 590 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 82 qof, Gobollada kala ah Pirkanmaa iyo Kanta-Häme oo laga helay midkiiba 16 qof, iyo Gobollada kala ah Vaasa iyo Varsinais-Suomioo midkiiba 15 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 43 qof, Vantaa: 15 qof, Hämeenlinna: 14 qof,Tampere: 13 qof, Espoo: 12 qof, Turku: 11 qof, Oulu: 11 qof, Jyväskylä: 8 qof, Kouvola: 7 qof, Vaasa: 6 qof, Pietarsaari: 5 qof, Kotka: 5 qof, Kuopio: 4 qof, Lahti: 4 qof, Tuusula: 3 qof, Mäntsälä, Maalahti, Järvenpää, Pori, Keuruu, Joensuu oo min 2 qof ah, iyo magaalooyinka kale oo min hal qof ah.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 176 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 29 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 586 qof.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
28 787 279 | 90 199 834 |
618 230 | 1 937 057 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |