Jimce 08.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 296 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 38 068 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 55 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 147 qof iyo Gobolka Varsinais-Suomi oo 49 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 66 qof, Turku: 38 qof, Espoo: 32 qof, Vantaa: 25 qof, Oulu: 23 qof, Kouvola: 8, Hämeenlinna: 7qof, Jyväskylä: 7 qof, Kotka, Porvo iyo Kerava: min 6 qof, Tampere iyo Vaasa: min 5 qof, Kemi, Maalahti, Järvenpää: min 3 qof, magaalooyinka kala ah naantali, Raisio, Siuntio, Raasepori, Lahti, Salo, Kitee, Hyvinkää, Parainen, Kuopio iyo Pitersaari: oo min 2 qof, iyo inta kale ee soo hartay oo min hal qof ah.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 186 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 32 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 586 qof, kaddib markii hay’adda THL ay sheegtay in maanta 2 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
28 238 882 | 88 620 212 |
607 005 | 1 909 018 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |