Khamiis 07.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 223 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 37 772 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 47 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 118 qof, Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 22 qof laga helay iyo gobolka Pirkanmaa oo 17 qof oo laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 62 qof, Vantaa: 26 qof, Espoo: 21 qof, Oulu: 2o qof, Kouvola: 10, Hämeenlinna: 11 qof, Tampere: 9 qof, Vaasa: 9 qof, lahti: 5 qof, Kotka: 4 qof, Turku: 3 qof, Rusko: 3 qof, Kuopio: 3 qof, Lappeenranta: 3 qof, Nurmijärvi: 2 qof, Kerava: 2 qof, Virrat: 2 qof, Maarianhamina: 2 qof,Keski-Suomi: 2 qof, Etelä-Pohjanmaa: 2 qof, Pohjois-Karjala: 2 qof, Länsi-Pohja: 2 qof,
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 186 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 32 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 584 qof, kaddib markii ay hay’adda THl sheegtay in lix qof oo hor leh ay dhinteen maanta.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
27 925 365 | 87 783 225 |
601 421 | 1 894 262 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |