Talaada 05.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 299 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 37 218 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 53 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 162 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 47 qof ah, iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 17 qof ah iyo Gobolka Keski-Suomi oo 12 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 76 qof, Espoo: 36 qof, Turku: 28 qof, Vantaa: 27 qof, Oulu:15 qof, Kouvola: 11 qof, Jyväskylä: 10 qof, Salo: 8 qof, Tampere: 8 qof, Kuopio: 5 qof, Porvoo: 4 qof, Vihti: 4 qof, Lahti: 4 qof, Hämeenlinna: 4 qof, Seinäjoki: 4 qof, Lieto: 3 qof, Kerava: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, Pietarsaari: 3 qof, Kotka: 3 qof, Rovaniemi: 3 qof, Tuusula: 2 qof, Parainen: 2 qof, Uusikaupunki: 2 qof, Pori: 2 qof, iyo magaalooyinka soo haray oo min hal qof laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 188 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 25 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 576 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga sheegtay dhimashada 11 qof oo hor leh.
Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.
Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.
Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
27 346 736 | 86 195 878 |
588 747 | 1 863 090 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS |