Sidii caadiga ahaydba waxaa soo dhow dorashooyinkii golaha degaannada Finland ee afartii sanaba mar la qaban jirey, kuwaasoo qabanqaabadooda iyo howlaha murashixiinta doorashooyinkaas ay mar hore ka bilowdeen baraha bulshada.
Dadka soomaaliyeed oo ka qayb ah bulshada ku dhaqan dalkaan Finland ayaa waxaa afartii sanaba isa soo sharaxa dad siyaasiyiin ah oo u arka in ay ka qaybgali karaan, una istaagi karaan tartanka doorashooyinkaas, sida ay sheegaanna ujeedadoodu ay tahay in ay wax u qabtaan bulshada.
Mar hore ayaan qoraallo aan kaga hadlaayo arrinkaan soo bandhigay, waxaanan ku muujiyay dhibaatooyinka naga heysta arrimaha doorashooyinkaas iyo waxa nala gudboon. Mar horeba waxaa baraha warbaahinta bulshada ka bilowday ololaha doorashooyinkaas oo ay wadaan xubnaha isa soo sharraxay iyo dad kala taageersan xubnahaas. Waxaana la filayaa sidii caadiga ahayd in dadka soomaalida ah ee isa soo sharraxayaa ay bataan.
Haddaba waxaan isleeyahay doorashooyinka sanadkaan 2021 oo caalamka uu cagta mariyay feyruska korona, walina dhibaatadiisii ay sii socoto,waxaa ay bulshadu ay u baahan tahay waxqabad dhab ah, kaasoo laga doonaayo bulshada guud ahaaneed iyo si gaar ah dadka murashaxiinta ah.
Dhanka bulshada waxaa nala gudboon:-
- In aan iska dayno caadifadda, siyaasadaynta iyo qabyaaladaynta arrimaha doorashada, oo qofka waxa lagu xulanaayo ay noqoto, barnaamijka uu wado iyo waxqabadkiisa, ee aan qabyaalad, dano gaar ah, ama ku xumeyn qof kale oo murashax ah aan loogu ololeyn qofka.
- In aan fadhiga ka kacno oo mar dambe aanay dhicin in codadkeenu ay khasaaraan, islamarkaana aan la xisaabtanno dadkii hore u galay golaha degaanada, oo aan miisaanka saarno waxa ay qabteen iyo haddii aanay wax qabanba, sidaas darteedna aysan dhicin in mar dambe qof uu iska galo golaha degaanka, oo aan habayaraatee wax la taaban karo oo muuqda uusan qaban, haddana doonaya mar labaad in uu ku laabto golahaas.
- In magaalo walbaa ay samaysato guddi isugu jira dad odayaal, aqoonyahanno iyo culimo ah oo ka kooban qabaa’illada soomaalidu ka soo jeeddo, dabadeedna ay u yeeraan dadka murashaxiinta ah, qof walbaa laga dhegeysto barnaamijka uu xambaarsan yahay, kaddibna ay kulan guud dadweynaha u qabtaan, oo ay murashixiintu afkaartooda ku soo gudbinayaan.
- In la soo ogaado magaalo walba inta qof ee codayn kartaa, si loo qorsheeyo codadka doorashada, oo hadba intii la heli karo la soo saaro. Gudigaasna uu noqdo kan awoodda u leh in uu go’aamiyo qofka ama labada ay ku habboon tahay in sannadkaa la doorto, sidaasna ay codadkeenu hal meel ugu wada shubmaan. Si aanay u dhicin in qofba codkiisa meel ku rido, dabadeedna uu arrinkaas faa’iido u noqdo xisibiyada loolanka siyaasadeed uu ka dhexeeyo oo kaliya.
Dhanka Murashaxiinta waxaa la gudboon:
- In qofku uu si wanaagsan uga soo baarandego howshaan mas’uuliyadda ballaaran xambaarsan, ee arrinku uusan ka noqon waa i kan uun, iyo ha la i arko.
- In la isu tanaazulo, oo haddii qofku uu arko qof walaalkiis ah oo arrinkaan kaga faradhuudhuuban, islamarkaana wax ka keeni kara aanu codadka ka horistaagin.
- In aysan ku dhicin dabinka xisbiyada ee ah oo kaliya in loo baahan yahay dhowrka boqol ee cod ee uu u keenaayo, si ay xubnahooda kale ee muwaadiniinta ah kor ugu qaadaan, sidaana lagu jebiyo qof kale oo walaalkaa ah oo ay suurtaggal ahaan lahayd in uu ku guuleysto doorashada, haddii codadka khasaaray uu heli lahaa.
- In la muujiyo biseyl siyaasadeed, oo qofku iska daayo caadifadda, adeegsiga qabyaaladda iyo kala qoqobka bulshada soomaaliyeed.
- In qoku uu ka fiirsado xisbiga uu magaciisa ku galaayo doorashada, uuna noqodo xisbi xambaarsan afkaar waxtar u leh bulshada ajaanibta ah ee uu ka soo jeedo.
Ugu dambayntii waxaan leeyahay waa waajib dhammanteen na saaran, in aannaan mardambe fiirsan oo aannaan markhaati ka noqon, in codadkeenu khasaaraan oo xisbiyada dalka uun aan u faa’iidayno, ee arrinka nalaga rabaa uu yahay sidii aan ugu midoobi lahayn in aan soo saarno dad waxtar u leh bulshada, sida dadweynaha soomaaliyeed ee Maraykanka ku noolba ay sameeyeen.
WQ: Abdirisak Sugulle