Khamiis 24.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 363 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 34 447 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 67 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 201 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 99 qof, Vantaa: 53 qof, Turku: 33 qof, Espoo: 30 qof, Lahti:11 qof, Tampere:11 qof, Salo:7 qof, Oulu: 6 qof, Jyväskylä: 6 qof, Pieksämäki: 5 qof, Kaarina: 4qof, Järvenpää: 4 qof, Kouvola: 4 qof, Kuopio: 4 qof, Raisio: 4 qof, Uusikaupunki:3 qof, Tornio:3 qof, Kotka:3 qof, Nurmijärvi: 3qof, Ylöjärvi :3 qof, Kerava: 3 qof, Joensoo:3 qof iyo inta kale ee soo hartay oo min laba ama hal qof laga helay.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 524 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
24 716 022 | 79 189 586 |
Tirada u dhimatay feyruska |
535 093 | 1 740 398 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS