Arbaca 23.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 367 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 34 084 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 58 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 202 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 82 qof laga helay, iyo waaxda caafimaadka ee Keski-Suomi oo 16 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 101 qof, Turku: 58 qof, Vantaa: 56 qof, Espoo: 19 qof, Jyväskylä: 15 qof, Tampere: 11 qof, Järvenpää: 6 qof, Hämeenlinna: 6 qof, Maarianhamina: 5 qof, Joensuu: 5 qof, Lieto: 5 qof, Kerava: 5 qof, Pieksämäki: 4 qof, Oulu: 4 qof, Salo: 3 qof, Hyvinkää: 3 qof, Kaarina: 3 qof, Nurmijärvi: 3 qof, Vaasa: 3 qof, Raisio: 3 qof, Masku: 3 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 524 qof, kaddib markii 13 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona awgiis, sida ay sheegtay hay’adda THL gelinkii dambe ee maanta.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
24 443 237 | 78 469 673 |
Tirada u dhimatay feyruska |
529 684 | 1 726 392 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS