Isniin 21.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 252 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 33 414 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 42 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 167 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 21 qof laga helay, Vaasa oo 12 qof, yo Pirkanmaa oo 10 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 81 qof, Vantaa: 38 qof, Espoo: 23 qof, Turku: 15 qof , Jyväskylä 9 qof, Kerava 7 qof, Hämeenlinna 6 qof, Mustasaari 5 qof, Lahti 5 qof, Nurmijärvi 4 qof, Tampere 4 qof, Vaasa 4 qof, Järvenpää 3 qof, Kaarina 3 qof, Sipoo 3 qof, Oulu 2 qof, Orivesi 2 qof, Valkeakoski 2 qof, Mynämäki 2 qof, Hyvinkää 2 qof, Gobolka Kymenlaakso 3 qof, Länsi-Pohja 3 qof, Etelä-Karjala 5 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 281 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 33 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Jimcihii kaddib waxaa qaybta daryeelka ku soo kordhay 18 bukaan, qaybta gargaarka degdegga ahna 3 bukaan. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 506 qof., kaddib markii wiikendhiga ay dhinteen 17 qof oo hor lah.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
23 973 461 | 77 274 532 |
Tirada u dhimatay feyruska |
518 019 | 1 701 829 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS