Axad 20.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 309 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 33 162 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 47 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 140 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 75 qof laga helay, iyo Pirkanmaan oo 14 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 65 qof, Turku: 60 qof, Vantaa: 38 qof, Espoo: 23 qof, Tampere: 11 qof, Oulu: 10 qof, Imatra: 10 qof, Lahti: 9 qof, Nurmijärvi: 7 qof, Hämeenlinna: 7 qof, Mustasaari: 5 qof, Salo: 4 qof, Jyväskylä: 4 qof, Riihimäki: 3, qof Kouvola: 3 qof, Pori: 3 qof, Kerava: 3 qof, Joensuu: 3 qof, Pieksämäki: 3 qof, Naantali: 2 qof , Lieto: 2 qof, Kaarina: 2 qof, Tyrnävä: 2 qof, Rovaniemi: 2 qof, Varkaus: 2 qof, Uurainen: 2 qof, Masku: 2 qof, Uusikaupunki: 2 qof, Vaasa: 2 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 263 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 489 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
23 778 061 | 76 718 430 |
Tirada u dhimatay feyruska |
514 698 | 1 693 942 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS