Khamiis 17.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 358 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 32 228 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 65 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 214 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 55 qof laga helay.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (132), Turku (34), Vantaa(33), Espoo(20), Nurmijärvi (5), Järvenpää (4), Kerva (4), Tuusula (4), Tampere (6), Jyväskylä (6), Kajaani (6), Oulu (5), Lahti (5), Kaarina (5), Pori (4), Hämeenlinna (4), Raisio (3), Lieto (3), Loimaa (3), Naantali (3), Vaasa (3), Korsnäs (3), Uurainen (3), Litti(3), gobollada Pohjois-Savo iyo Etelä-Savo oo min 4 xaalaldood ah.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 484 qof, kaddib markii sida ay sheegtay hay’adda THL ay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 12 qof oo hor leh u dhinteen feyruska awgiis.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
2o 575 303 | 74 654 910 |
Tirada u dhimatay feyruska |
479 961 | 1 657 939 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS