Talaada 15.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 349 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 31 459 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 57 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 168 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 71 qof laga helay, iyo Pirkanmaa oo laga helay 28 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki (94), Vantaa (44), Espoo (18), Turku (44), Tampere (21), Jyväskylä (16), Oulu (11), Masku (8), Hämeenlinna (8), Rovaniemi (7),Vaasa (6), Joensoo (5), Raiso (5), Kauhajoki (5), Lahti (4), Alajärvi (4), Uurainen (3), Kuopio (3), Varkaus (3) iyo gobolka Satakuna (3).
Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki iyo Uusimaa,Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme, Pirkanmaa, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 284 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 35 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 466 qof, kaddib markii maanta 5 qof oo hor leh ay feyruska korona awgiis u dhinteen.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
21 400 312 | 73 329 438 |
Tirada u dhimatay feyruska |
479 789 | 1 630 878 |
Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS