Arbaca 09.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 490 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 28 732 qof.
Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 271 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 88 qof laga helay iyo Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 26 qof.
Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota:Helsinki (142), Espoo (59),Vantaa (50), Turku (55), Oulu (18), Masku (8),Tampere (6), Kaarina (5), Kerava (4), Naantali (4), Somero (4), Vaasa iyo agagaarkeeda (14), Lähti (4), Kuopio (6), Gobolka Kanta-Häme (5), Kymenlaakso (9), Etelä-Savo (14), Etelä-Pohjanmaa (11), Lappi (6), Satakunta (10).
Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki Uusimaa, Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 233 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 433 qof, kaddib markii 8 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona sida ay maanta sheegtay hay’adda THL.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
19 860 742 | 68 730 695 |
Tirada u dhimatay feyruska |
454 682 | 1 566 505 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
Xigasho: HS, YLE, WORLDOMETER