Sabti 05.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 460 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 27 218 qof. Toddoba beri gudahood waxaa tiradaas ku soo korotay 2 992 qof.
Iskudarka guud illaa iyo 72 magaalo ayaa laga helay feyruska. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 216 qof. Gobolka Pirkanmaa ayaa ku xiga oo ah 52 qof, waxaa ku sii xiga gobolka Varsinais-Suomi oo ah 47 qof.
Magaalooyinka ugu badan waxaa ay kala yihiin sidatan soo socota: Helsinki (105), Vantaa (52), Espoo (40), Tampere (30), Turku (28), Lahti (24), Oulu (17), Jyväskylä (12), Hämeenlinna (10), Kotka (10), Etelä-Savo (11), Etelä-Pohjanmaa (11), Satakunta (9), Pohjois-Karjala (6), Kotka (10), Kouvola (4), Pirkkala (4), Kangasala (4).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana isniintii kaddib ku soo kordhay qaybtaan 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) Tirada dhimashada ayaa maraysaa haatan tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland 415 qof.
Heerka faafista ee cudurkan safmarka ah waxaa ku jira gobollada kala ah: Uusimaa, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Pohjois-Satakunta.
Inta kale ee soo hartay waxaa gobollada badankood ay ku jiraan heerka labaad ee karaar- qaadashada.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
19 123 395 | 65 778 405 |
Tirada u dhimatay feyruska |
437 365 | 1 520 082 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|