Arbaca 25.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 363 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 22 652 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 60 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 231xaaladood oo cusub, Kaalinta labaad waxaa ku jira Waaxda caafimaadka ee Pohjois-Pohjanmaa oo 39 xaaladood ah iyo Waaxda caafimaadka ee Varsinais-Suomi 15 xaaladood. Magaalooyinka sidan soo socota ayaa looga kala helay feyruska: Helsinki: 116 qof, Vantaa: 50 qof, Espoo: 39 qof, Oulu:32 qof, Rautalampi: 10 qof, Lahti: 9 qof, Jyväskylä: 6 qof, Turku: 6 qof, Tampere: 5 qof, Kouvola: 4 qof,
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 134 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Jimcihii kaddib 16 qof ayaa ku soo biirey daryeelka isbitaalka. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay feyruska korona awgiis u dhintay dalkaan Finland 4 qof oo hor leh, taasoo tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland ka dhigaysa 388 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
16 888 824 | 59 880 240 |
Tirada u dhimatay feyruska |
383 217 | 1 410 086 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
NO | Dalka | Tirada guud ee Feyruska | Tirada cusub ee feyruska | Tirada cusub ee dhimashada | Tirada guud ee dhimashada |
1 | Maraykanka | 12,9 milyan | 175 168 | 2 194 | 265 898 |
2 | Hindiya | 9,22 milyan | 44 276 | 489 | 134 743 |
3 | Baraaziil | 6,12 milyan | 33 445 | 638 | 170 179 |
4 | Faransiiska | 2,15 milyan | 9 155 | 592 | 50 237 |
5 | Ruushka | 2,13 myan | 24 226 | 491 | 37 031 |
6 | Spain | 1,61 milyan | 7 221 | 537 | 43 668 |
7 | Ingiriiska | 1,53 milyan | 11 229 | 608 | 55 838 |
8 | Talyaaniga | 1,45 milyan | 23 232 | 853 | 51 036 |
9 | Arjantiin | 1,38 milyan | 7 164 | 310 | 37 432 |
10 | Kolombiya | 1,26 milyan | 7 515 | 198 | 35 667 |
10 | Mexico | 1,04 milyan | 7 483 | 250 | 101 926 |
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter |