Finland waxaa laga helay 353 qof oo cusub oo qaba feyruska korona
Talaada 24.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 353 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 22 289 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 64 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 182 xaaladood oo cusub, Waaxda caafimaadka ee Pirkanmaa 31 qof, waaxda caafimaadka ee Päijät-Häme 29 qof. Magaalooyinka sidan soo socota ayaa looga kala helay feyruska: Helsinki: 92 qof, Vantaa: 37 qof, Espoo: 36 qof, Lahti 25, Tampere: 18 qof, Jyväskylä:17 qof, Oulu: 15 qof, Joensoo: 10 qof, Turku: 8 qof, Aläjärvi: 6 qof, Lempäälä: 4 qof, Kuopio, Hamina, Porvoo, Tuusula, Parkano, Kouvola: min 3 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 120 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Jimcihii kaddib 16 qof ayaa ku soo biirey daryeelka isbitaalka. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland 384 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
16 646 981 | 59 307 846 |
Tirada u dhimatay feyruska |
376 539 | 1 397 672 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
NO | Dalka | Tirada guud ee Feyruska | Tirada cusub ee feyruska | Tirada cusub ee dhimashada | Tirada guud ee dhimashada |
1 | Maraykanka | 12,7 milyan | 172 300 | 972 | 263 687 |
2 | Hindiya | 9,17 milyan | 37 410 | 481 | 134 254 |
3 | Baraaziil | 6,08 milyan | 16 603 | 344 | 169 541 |
4 | Faransiiska | 2,14 milyan | 4 452 | 500 | 49 332 |
5 | Ruushka | 2,11 milyan | 25 173 | 361 | 36 540 |
6 | Spain | 1,60 milyan | 8 599 | 170 | 43 131 |
7 | Ingiriiska | 1,52 milyan | 15 450 | 206 | 55 230 |
8 | Talyaaniga | 1,43 milyan | 22 930 | 630 | 50 453 |
9 | Arjantiin | 1,37 milyan | 4 265 | 120 | 37 122 |
10 | Kolombiya | 1,25 milyan | 6 562 | 192 | 35 479 |
10 | Mexico | 1,04 milyan | 9 187 | 303 | 101 676 |
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter |