Finland waxaa laga helay 461 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo hal qof oo u dhintay feyruska awgiis
Jimce 20.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 461 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 20 747 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 67 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 229 xaaladood oo cusub, Waaxda caafimaadka ee Pirkanmaa 67 qof, waaxda caafimaadka ee Päijät-Hame 34 qof. Magaalooyinka sidan soo socta ayaa looga kala helay feyruska Helsinki: 102 qof, Tampere: 52 qof, Espoo: 51 qof, Vantaa: 44 qof, Lähti: 27 qof, Jyväskylä: 21 qof, Oulu: 10 qof, Turku: 12 qof, Alajärvi: 8 qof, Riihimäki: 7 qof, Vaasa 7 qof, Lempäälä: 5 qof, Gobolka Satakunta: 5 qof
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 104 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 10 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Waxaa arbacadii kaddib ku soo kordhay tirada daryeelka isbitaalka u baahan 14 qof. Sida ay maanta sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska awgiis u dhintay 1 qof oo hor leh, taasoo wadarta guud ee tirada dhimashada ka dhigeysa 375 qof. Tirada dadka dhintay ee ka tirsan waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa waa 294 qof. Dadka dhintay 153 qof oo ka mid ah waxaa ay da’doodu u dhexeysay 80-89 sano jir.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
15 706 243 | 56 985 235 |
Tirada u dhimatay feyruska |
358 093 | 1 360 880 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
NO | Dalka | Tirada guud ee Feyruska | Tirada cusub ee feyruska | Tirada cusub ee dhimashada | Tirada guud ee dhimashada |
1 | Maraykanka | 12 milyan | 192 186 | 2 065 | 258 333 |
2 | Hindiya | 9 milyan | 46 182 | 584 | 132 202 |
3 | Baraaziil | 5,98 milyan | 35 686 | 644 | 168 141 |
4 | Faransiiska | 2,08 milyan | 21 150 | 429 | 47 127 |
5 | Ruushka | 2,01 milyan | 23 610 | 463 | 34 850 |
6 | Spain | 1,57 milyan | 16 223 | 252 | 42 291 |
7 | Ingiriiska | 1,45 milyan | 22 915 | 501 | 53 775 |
8 | Arjantiin | 1,38 milyan | 10 097 | 185 | 36 532 |
9 | Talyaaniga | 1,27 milyan | 36 176 | 653 | 47 870 |
10 | Kolombiya | 1,22 milyan | 7 487 | 198 | 34 761 |
10 | Mexico | 1,01 milyan | 3 918 | 502 | 99 528 |
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter |