Finland waxaa laga helay 244 qof oo cusub oo qaba feyruska korona
SABTI 14.11.2020 . Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 244 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 19 102 qof.
Meelaha ugu badan ee faafista cudurku ka dhacay waxaa markale ugu badan Helsinki iyo Uusimaa oo tirada laga helay marka la isu geeyo ah 172 qof. Magaalooyinkuna waa sidatan soo socota: Helsinki 75 qof, Vantaa 35 qof, Espoo 33 qof, Vihti 11 qof, Hyvinkää 7 qof, Turku 7 qof, Tampere 7 qof, Oulu 5 qof.
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 73 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Tirada dhimashudna waxaa ay iskudarka guud maraysaa 369 qof.
Ra’iisulwasaaraha dalka Finland oo dadka u soo jeedisay in ay u adkaystaan xadidaadaha looga hortagaayo fafista feyuska korona, tan iyo inta tallaalka laga helaayo.
Ra’iisulwasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa hadal ay ka jeedisay shirkii xisbiga SDP, waxaa ay soo jeedisay in loo hoggaansamo hagista iyo talooyinka ka imaanaya howwadeennada caafimaadka, islamarkaana loo adkaysto u hoggaansankooda tan iyo inta lga helaayo tallaalada looga hortagaayo feyruska korona.
Waxaa ra’iisulwasare Marin ay ka codsatay dadweynaha reer Finland in la raaaco talooyinka caafimaadka ee la soo jeedinaayo, si kasta oo wararku u sheegeen in la helay rajooyin tilmaamaya tallaalo cusub oo looga hortagaayo feyruska korona. Waxaana ra’iisulwasaaruhu ay tilmaantay in ay waqti dheer qaadanayso tan iyo inta howlaha tallaalka laga soo dhammaynaayo.
Shirkadda Pfizer iyo tan la yiraahdo BIONtech ayaa toddobaadkii hore shaaca ka qaadday in ay soo saareen tallaal ay si wadajir ah u sameeyeen oo looga hortagaayo feyruska korona, kaasoo ay sheegeen in 90% uu yahay mid waxtar leh, kana gudbay tijaabadii saddexaad. Tallaalka ayaa la sheegay in uu qofka ka ilaalinaayo astaamaha cudurka, laakiin mahan mid yaraynaya faafista ama horistaagaya in uu hore u sii kordho.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
13 503 689 | 53 320 716 |
Tirada u dhimatay feyruska |
315 402 | 1 301 286 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
NO | Dalka | Tirada guud ee Feyruska | Tirada cusub ee feyruska | Tirada cusub ee dhimashada | Tirada guud ee dhimashada |
1 | Maraykanka | 11 milyan | 183 625 | 1 190 | 248 585 |
2 | Hindiya | 8,77 milyan | 45 343 | 539 | 129 225 |
3 | Baraaziil | 5,81 milyan | 35 849 | 614 | 164 946 |
4 | Faransiiska | 1,92 milyan | 23 794 | 932 | 43 892 |
5 | Ruushka | 1,88 milyan | 21 983 | 411 | 32 443 |
6 | Spain | 1,49 milyan | 21 371 | 308 | 40 769 |
7 | Ingiriiska | 1,31 milyan | 27 301 | 376 | 51 304 |
8 | Arjantiin | 1,29 milyan | 11 859 | 263 | 35 045 |
9 | Kolombiya | 1,82 milyan | 8 685 | 178 | 33 669 |
10 | Talyaaniga | 1,10 milyan | 40 896 | 550 | 44 139 |
Xigasho: Yle, HS, Worldmeter |