Finland oo maanta la soo saarin tirada dadka laga helay feyruska, cillad farsamo awgeed.
Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa maanta boggeeda Tiwiterka ku shaacisay, in diiwaangelintii tirada dadka laga helo feyruska korona ee maalinlaha ahayd aysan maanta suurtaggal ahayn, cillado xagga farsamada ah awgood. Sababtaas awgeedna ayaan hay’addu maanta u soo gudbin karin warbixinta la xiriirta faafista feyruska. Waxaa haatan la wadaa wax ka qabashada cilladaas farsamo, waxaana tirooyinkii ugu dambeeyay ee faafista feyruska la soo gudbin doonaa ugu dambayn Isniinta.
Finland oo laga cabsi qabo in cudurka feyruska uu ku faafo xayawaanka Minkiga
Wasiirka degaanka iyo hawada ee Finland Krista Mikkonen ayaa sheegtay in dalkaan Finland gudihiisa ay dhici karto in xanuunka feyruska korona uu ku faafo xayawaanka minkiga ee dhogor ahaanta loo tabcado. Waxaana wasiirku ay sheegtay in arrinkaas uu yahay mid aad khatar u ah, Maanta ayay arrinkaas ayuu ku soo qoray boggeeda tiwiiterka.
Hay’adda qaabilsan arrimaha degaanka ayaa sheegtay in ay bilaabi doonto baaritaan ballaaran oo ku saabsan xaaladda xayawaanka minkiga ee dalkaan Finland iyo feyruska korona.
Cabsida laga qabo arrinka ah in feyrusku uu ku faafo xayawaanka minkga ee dalkaan Finland ayaa aad u sii korodhay, kaddib markii la xaqiijiyay in shaqalaaha xeryahaas ka shaqeeya oo intooda badan laga keeno dalka Ukrain uu ku dhacay feyruska korona, haatan ay ku jiraan karantiil iyo go’dominba.
Lix dal oo ka tirsan adduunka ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyay in feyruska korona uu ku faafay xeryaha lagu hayo xayawaanka minkiga, sidaasna waxaa sheegtay hay’adda caafimaadka adduuka ee WHO. Waddamada arrinkaas laga xaqiijiyay waxaa ay kala yihiin Denmark, Iswidhen, Holland, Isbeyn, Talyaaniga iyo Maraykanka.
Dalka Denmark ayaa xadidaado adag ku soo rogay dhinaca waqooyi ee dalka, kaddib markii la xaqiijiyay in feyruska korona oo nooc cusub u xuubsiibtay uu ka soo faafay dhanka xayawaanka minkiga una gudbay illaa iyo 12 qof. Waxaana dalka Denmark uu gowracay dhammaan minkigii ay dhaqanayeen oo gaarayay 15-17 milyan oo xabo.
Dalka Ingiriiska ayaa maanta soo saaray go’aan lagu joojinaayo in dadka ajaanibta ah ee ka imaanaya dalka Denmark aanay soo geli karin dalkeeda. Dadka reer Ingiriis ee musaafiriinta ah iyo kuwa ku nool Denmark way soo geli karaan dalka, laakiin waxaa ay geli doonaan karantiil laba toddobaad ah.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
11 667 734 | 49 322 827 |
Tirada u dhimatay feyruska |
288 257 | 1 242 158 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xigasho: YLE, HS,Worldmeters.info |