Finland waxaa laga helay 237 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.
Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Talaada 3.11.2020 laga helay feyruska korona 237 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 16 637 qof.
Illaa iyo 43 magaalo oo ka mid ah dalkaan ayaa laga helay feyruska. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waa magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay isu darka guud 83 qof.
Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (32 qof), Espoo (29 Qof), Tampere (20),Vantaa (15 qof), Jyväskylä (18).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 70 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 13 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in tirada guud ee dhimashada waxaa ay maraysaa 359 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan | |
Tirada feyruska laga helay |
20 055 588 | 46 912 399 |
Tirada u dhimatay feyruska |
514 547 | 1 206 988 |
Tirada ka bogsatay |
7 703 631 | 31 387 042 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
Xigasho: YLE, Worldmeters.info |