Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Axad 1.11.2020 laga helay feyruska korona 178 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 16 291 qof.
Illaa iyo 34 magaalo oo ka mid ah dalkaan ayaa laga helay feyruska. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waa magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay isu darka guud 123 qof, gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 18qof ah iyo Kymenlaakso 10 qof ah.
Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (45 qof), Espoo (38 Qof), Vantaa (22 qof),Oulu (10 qof), Kouvola (10 qof), Kuopio (5qof),Turku (4 qof)
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 48 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 10 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Hay’adda THL waxaa ay sheegtaty in afar qof oo cusub ay u dhinteen feyruska, Tirada guud ee dhimashada waxaa ay maraysaa 358 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan | |
Tirada feyruska laga helay |
19 470 305 | 46 161 078 |
Tirada u dhimatay feyruska |
509 177 | 1 196 783 |
Tirada ka bogsatay |
7 529 791 | 30 891 972 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan
Xigasho :Yle, Worldmeters.info |