Finland waxaa laga helay 203 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.
Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Sabti 31.10.2020 laga helay feyruska korona 203 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 16 133 qof.
Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (30 qof), Espoo (24 Qof), Turku (26 qof) Vantaa (18 qof), Vaasa (2), Oulu (8 qof), Pirkanmaa (14 qof), Kouvola (11 qof),
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 58 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 10 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Hay’adda THL waxaa ay sheegtaty in afar qof oo cusub ay u dhinteen feyruska, Tirada guud ee dhimashada waxaa ay maraysaa 358 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan | |
Tirada feyruska laga helay |
19 168 059 | 45 671 902 |
Tirada u dhimatay feyruska |
506 077 | 1 190 098 |
Tirada ka bogsatay |
7 413 229 | 29 724 700 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xigasho: YLE, Worldmeters.info | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||