Finland waxaa laga helay 188 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.
Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 29.10.2020 laga helay feyruska korona 118 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 15 556 qof.
Markii ugu horreysay ayay magaalad Espoo ka badatay Helsinki, dhanka faafista feyruska korona.
Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (32 qof), Espoo (33 Qof), Vantaa (22 qof),Oulu (19 qof), Turku (11 qof) iyo Tampere (5 qof), Rovaniemi (5 qof).
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 64 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 10 kamid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Dhimashaduna waxaa ay maraysaa 354 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
18 351 064 | 44 500 205 |
Tirada u dhimatay feyruska |
497 833 | 1 174 314 |
Tirada ka bogsatay |
7 216 729 | 30 059 219 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan
Dalka | Tirada guud ee feyruska | Tirada guud ee dhimashada | Tirada cusub ee feyruska | Tirada cusub ee dhimashada |
Maraykanka | 9,1 milyan | 233 130 | 81 581 | 1 030 |
Hindiya | 8,0 milyan | 120 563 | 49 912 | 509 |
Baraaziil | 5,4 milyan | 157 981 | 28 852 | 487 |
Ruushka | 1,5 milyan | 26 589 | 16 202 | 346 |
Faransiiska | 1,235 milyan | 35 541 | 36 437 | 244 |
Spain | 1,194 milyan | 35 298 | 19 765 | 168 |
Argantiin | 1,130 milyan | 29 730 | 13 942 | 341 |
Kolombiya | 1,04 milyan | 30 1565 | 8 717 | 188 |
Xigasho: YLE, Worldometers.info