Khamiis 26.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 496 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 23 148 qof.
Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 62 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruskana waa sidan soo socota : Helsinki: 141 qof, Espoo: 77 qof, Vantaaa:67 qof, Lahti: 50 qof, Oulu:22 qof, Joensoo: 14 qof, Lampäälä: 11 qof, Jyväskylä: 9 qof,Porvoo:9 qof, Turku: 6 qof, Parkano: 6 qof, Järvenpää: 6qof, Sipoo: 5 qof,
Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 134 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 21 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Jimcihii kaddib 16 qof ayaa ku soo biirey daryeelka isbitaalka. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurkan safmarka ah ka bilowady Finland ayaa ah 388 qof.
Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan
|
Qaaradda Yurub | Adduunkoo dhan |
Tirada feyruska laga helay |
17 135 737 | 60 527 439 |
Tirada u dhimatay feyruska |
383 970 | 1 422 753 |
Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay
NO | Dalka | Tirada guud ee Feyruska | Tirada cusub ee feyruska | Tirada cusub ee dhimashada | Tirada guud ee dhimashada |
1 | Maraykanka | 13.1 milyan | 181 124 | 2 304 | 268 221 |
2 | Hindiya | 9,26 milyan | 44 699 | 518 | 135 261 |
3 | Baraaziil | 6,16 milyan | 45 449 | 620 | 170 799 |
4 | Faransiiska | 2,17 milyan | 16 282 | 381 | 50 618 |
5 | Ruushka | 2,16 myan | 23 675 | 507 | 37 538 |
6 | Spain | 1,62 milyan | 8 506 | 369 | 44 037 |
7 | Ingiriiska | 1,55 milyan | 18 213 | 696 | 56 533 |
8 | Talyaaniga | 1,48 milyan | 25 853 | 722 | 52 028 |
9 | Arjantiin | 1,39 milyan | 8 593 | 282 | 37 714 |
10 | Kolombiya | 1,27 milyan | 8 497 | 183 | 35 860 |
10 | Mexico | 1,06 milyan | 10 794 | 813 | 102 739 |
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter |